Diiwaanka Dumarka UUrka leh ee Iswidhen

Waxaan Iswiidhen ku guuleysaney xannaanada haweenka uurka leh iyo dhalmada, taasoo maanta ah mid ka mid ah natiijooyinkaa caafimaad ee ugu fiican adduunka. Ujeeddada Diiwaanka Dumarka UUrka leh waa in la sii wado horumarinta iyo wanaajinta tayada daryeelka dumarka uurka leh iyo cunugga ay markaas dhashay. Iyadoo ay ku dhalaan 110,000 sanadkii waxa ay noqon doontaa ilaha waaweyn ee aqoonta iyo horumarka.

Diiwaanka Dumarka UUrka leh waa diiwaan leh Shahaaddada Tayada Diiwnka Qaranka, waxaana abuurkiisa ka dambeeya annaga oo ah dadka ka shaqeeya xannaanada caafimaadka. Waxaan uruurinaa kadibna habeeyna macluumaadka, lagasoo bilaabo waqtiga uurka ilaa dhawr bilood ka dib dhalashada cunugga. Macluumaadka ku jira diiwaanka waxaa ilaalinaya sharciga Iswiidhen waxaana loo isticmaalikara oo kaliya horumarinta iyo sii wanaajinta daryeelka caafimaad iyo cilmibaarista.

Iyadoo magacaada iyo aqoonsigaada shaqsiga ah la qarinaayoiyo gelinta astaan qarsoodi ah xogta la uruuriyey waxaan xaqiijineyna in qof aan shaqo ku lahayn uusan macluumadka helin. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan diiwaanka, waxaad la xiriirtaa umulisadaada. Haddii aadan dooneyn in la diiwaangeliyo macluumaadkaaga waxaa ku caawinkara dakhtarkaaga iyo umulisadaada. Ka qaybgalka diiwaanka waa ikhtiyaari.

Dokument

Translations